Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalkooda dib loogu celinayo shaqaalaha diyaaraddii dhowaan kusoo dhacday degaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii cilad ku timid.
Wasiir Amniga C/saaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shaqaalaha ay bed qabaan, dalkooda dib ugu laaban doonaan. Shaqaalaha diyaaradda oo uu kujiro Duuliyihii Diyaaraddaas ayaa ka kooban lix ruux oo dhamman ka soo jeeda dalka Masar.
Diyaaradda oo ahayd mid Xamuul ah ayaa dhawaan ku soo dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Nooca Diyaradda oo ahayd Airbus 300 ayaa duulihuhu ku dejiyay degaankaasi markii ay lugaha u bixi waayeen, waxaana markaas kadib soo baxay in shaqaalaha diyaaradda ay ku xayiran yihiin Muqdisho sida ay baahiyeen saxaafadda dalka Masar.
Xubno ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa la sheegay inay soo gaareen Muqdisho si ay arrintaasi u furdaamiyaan, iyadoo hadda loo ogolaaday inay shaqaalahaasi dib ugu noqdaan dalkooda.
Wadani.com