Saameyn xoog leh ayaa ka dhalatay qoraal ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ku saabsan heshiis dhex maray Itoobiya iyo maamulka Puntalnd.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay magaalada Addis ababa tageen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Maxamed Faarax Maxamed, waxayna kulan la yeesheen Wasiiryu dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya Mesganu Arga.
Sida lagu sheegay Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya labada dhinac ee Itoobiya iyo Puntland ayaa ku heshiiyay inay iska kaashadaan Ganacsiga, Maalgashiga, Tamarta, iyo Mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac.
Tallaabadan ay Puntland ku dhaqaaqday ayaa imaaneysa iyadoo uu aad u hooseeyo xiriirka dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhacay heshiiskii is-afgaradka ee Abiy Ahmed la saxiiday Muuse Biixi Jan 1, 2024.