Muqdisho, June 10, 2017 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta si rasmi ah dib ugala wareegtay Agaasinka Iskaashiga Caalamiga Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.
Agaasinka Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeyb aheyd howlaha Wasaaradda Qorsheynta intii u dhexeysay 2014-2017, hayeeshee mudadaasi kahor waxaa loo tirinayay mid ka mid ah afarta tiir ee ay cuskato Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha ayaa ku wareejiyay dukumintiyo la xiriira Agaasinka Iskaashiga Caalamiga Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.
Fadhi kooban oo dukumintiyo kala wareegidda ka horeysay ayaa mas’uuliyiinta sare ee labada Wasaaradood ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta ka wada dhexeysa iyo sidii loogu saldhigi lahaa hannaan hiigsi sare leh.
Munaasabadan oo ku dhammaatay jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayayaasha joogtada labada Wasaaradood iyo mas’uuliyiin kale.