Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo jawaab yaab leh ka bixisay talaabooyinka Kenya [Akhriso]

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo jawaab yaab leh ka bixisay talaabooyinka Kenya [Akhriso]

    May 22, 2019Updated:May 22, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa jawaab ka bixisay tallaabooyinka ay dowladda Kenya qaadatay ee ay ku sii xumeyneyso xiriirka labada dal, waxaana War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda lagu sheegay inay Soomaaliya tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u heyso xiriirka labada dal.

    War-saxaafadeedka oo aan la fileyn inuu jilicsanaado ayaa ahaa mid aan hore loo arag oo dowladda Soomaaliya ay jawaabteeda noqotay muujin walaac iyo balanqaa ah in ka go’an tahay inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, ayna sii wadi doonto soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho.

    Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah.

    Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin.

    Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya.

    jawaab Kenya Somalia xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKulankii Baarlamaanka oo u baaqday Kooram la’aan & Xildhibaannada oo fasax galay..
    Next Article Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia oo ku dhintay Qarixii maanta (Wasaaradda oo War kasoo saartay)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo