Kulan ay maanta yeeshan Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta iyo qaar ka mida Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray amarro lagu xirayo Dugsiyada Qur’aanka, iyagoo dadka u sooo jeediyey inay guryahooda ku tukadaan.
Qoraal kulankaasi uu ka akhriyey Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayuu dadweynaha kula taliyay inay guryahooda ku cibaadeystaan, si looga fogaado faafitaanka cudurka Coronavirus; isla markaana wuxuu ku dhawaaqay in la go’aamiyey in la xiro goobaha Barashada Diinta sida Dugsiyada Qur’aanka iyo mowlacyada laga bilaabo 31-ka Maarso 2020 oo ku beegan Berri.
Waxaan dadweynaha loosoo jeediyay inay dadka ku tukadaan Guryahooda, iyadoo wasaaradu ka gaabsatay in la xiro masaajidda, waxaana culimada laga dalbaday inay qur’aan badan akhriyaan.