Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay dadkii ugu danbeeyay ee cudurka Covid-19 laga helay gudaha Soomaaliya.
Wasiiiradda Caafimaadka Fowsiya Abuukar ayaa sheegtay in maanta 17 May 2020: cudurka Coronavirus dadkii laga baaray laga helay 64 qof.
Dadka cudurka Covid-19 laga helay waxay kala joogaan:
– Benadir: 33
– Somaliland: 16
– Galmudug: 8
– Koonfur Galbeed: 7
– Bogsasho: 4
– Dhimasho: 1
Tirada Guud ee Soomaaliya curudka laga helay waxay gaareen: 1421, waxaa bogsooday guud ahaan 152 qof, halka ay u dhinteen 56 kale.
