Qoraal ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay inay soo xaqiijisay in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunooyinka loogu talagalay carruurta nafaqa daradu heyso ee aan iibka loogu talogelin.
Wasaaradda ayaa sheegtay in cuntada gargaark ah ee lagu soo arkay suuqyada ay ka mid yihiin Buskut, Saliid, Digir, Haruur iyo malmaatooyinka nafaqada leh ee RUSF iyo RUTF. Wasaaradda Caafimaadka ayaa amar ku bixisay inay ciidamada ammaanka soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay in ay iibiyaan cuntooyinka samafalka loo keenay dalka.
Iyadoo iibinta cuntada gargaarka ay caadi ka tahay magaalada Muqdisho ayaa qoraalkan loo arkaa in wasaaradda caafimaadka ay u qaaday culeys ka yimid hay’adaha samafalka kadib warbixinno ay baahiyeen warbaahinta reer Galbeedka.
AKHRISO QORAALKA