Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka ayaa maanta dib ula wareegtay deeq dawo ah oo dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya, deeqdaas oo dalka soo gaartay horaantii Janaayo waxaa madaxtooyada Soomaaliya ay si khalad ah ugu gacan gelisay wasaaradda arrimaha gudaha iyadoo markaas lagala cararay wasiirkii hore ee caafimaadka oo la safnaa Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Deeqda dawada ah ayaa ka kooban in ka badan 400 tan ayaa isugu jirta qalab iyo shixnado dawo ah, waxaana hore ay halis u gashay inay ku dhacdo gacmo ganacsato, laakiin wararka ayaa sheegaya in cadaadis badan iyo dood kadib dib loogu wareejiyay wasaaradda caafimaadka iyo madaxdeeda cusub. Lama oga in deeqdaasi ay dhan tahay iyo in qaar ka mida la gacan bidixeeyay laakiin Wadani.com ayaa hore uga digtay in deeqdaasi ay qarka u saaran tahay in la leexsado kadib markii kooxo kala duwan loo xil saaray oo madaxtooyadu gacan ku yeelatay.
[ad name=”HTML-3″]
-
Akhri maqaalkii ugu horeeyay ee arrinta daawadan ka qortay Wadani.com
- Akhri qormadii dokumentiyada daawadan ee Wadani.com shaacisay
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Ismaaciil Jimcaale ayaa deeqda daawada ah ku wareejiyay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka, waxaana hadda la sugayaa sida wasaaradda caafimaadka daawadaasi u qeybin doonto iyadoo muddo dheer ay macno la’aan u xayirned iyadoo baahi weyn looga qabo Muqdisho iyo goboladda dalka.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]