Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka heer Federaal oo Heshiis la dhex dhigay [Akhriso]

    Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka heer Federaal oo Heshiis la dhex dhigay [Akhriso]

    November 14, 2017Updated:November 14, 20172 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiyada Qaabilsan Dastuurka ayaa heshiis la dhex dhigay kadib markii ay isku dhaceen dhowaan.

    Kulanka saddex geesoodka ahaa waxaa la isugu keenay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka , iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, waxaana lagu gaaray heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo furay shirka ayaa ku boggaadiyey dhinacyada heshiiska wada gaaray iney fuliyeen, si loo helo dastuur dhameystiran oo loo wada dhan yahay.

    Mudane Khayre ayaa ku ammaanay Wasaaradda arrimaha dastuurka sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro dastuurka, isla markaana ay dhinacyada kala duwan ee ku howlan dib-u-eegista dastuurka u fududeyso gudasha waajibaadkooda.

    Wasiirka Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeeya ay ka go’an tahay in howsha dib-u-eegista arrimaha dastuurka lagu dhameystiro waqtiga u qorsheysan iyo in ay xoogga saari doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa saddexda dhinac.

    “Ujeeddada Heshiiskani waa in la qeexo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Dib-u-Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Heshiiskani wuxuu ku qeexan yahay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobada 133 iyo 134 iyo sharci lambar Lr. 119 ee 3dii bishii Luulyo 2013.”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

    Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo tilmaamay in guddigu uu kala shaqeyn doono Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxa-banaan sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

     

    Baarlamaanka Guddiga Dastuurka Jawaari Kheyre Top Wasaaradda Dastuurka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDuqa Caasimadda Soomaaliya Shir Caalami uga qeyb galaya Magaalada Roma [Sawirro]
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Sawirrada & Magacyada Raggii ka danbeeyay Qarixii Soope [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo