Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Isboortiga xukuumdda Soomaaliya ayaa lagu amray joojin ciyaaraha iyo tartamada dalka ka socda muddo 15 Maalmood ah laga bilaabo 19-ka Maarso 2020 xaaladda cudurka Coronavirus dartiis.
Qoraalka oo ay ku saxiixneyd Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa loogu sheegay G/Banaadir iyo maamul Goboleedyada dalka oo dhan inay hakiyaan qabashada ciyaaraha Isboortiga iyo tartamada hadda socda muddo 15 maalmood ah oo ka bilaabaneysa Berrito oo ku beegan 19 March.