Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Berito ay tahay maalintii ugu danbeysay ee Bisha Ramadaan.
Guddi ka kooban dowladda Soomaaliya iyo Culimaa’udiin oo caawa ku howlanaa raadinta dhalashada Bisha Soonfur (Shawaal), ayaa xarunta warbaahinta dowladda uga dhawaaqay goor dhoweyd in Berri ay tahay Maalinka 30-aad ee Bisha Ramadaan.
Guddigu wuxuu sheegay in Soomaaliya oo dhan laga waayay meel laga arkay bilashada Bisha Shawaal, sidaas darteedna ay tahay in la dhameystiro Sodonka bisha Ramadaan.
Xoghayaha Wasaaradda Owqaafta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa shaaciyay in ay xiriiro la sameeyeen Gobollada dalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo dhalashada Bisha Shawaal, dalse aanay jirin meel Soomaaliya ka mida oo Bisha lagu Arkay, ayna go’aamiyeen in Arbacadda ay tahay maalinta koowaad ee ciidul fitriga.
Wadani.com