Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota kalluumeystada Soomaaliyeed iyo dadka u dabaal taga Badweynta India.
Wasaaradda ayaa uga digtay dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed inay badda u shaqo tagaan kuna fogaadaan inta lagu guda jiro bad-xiranka taasoo ay dhici karto in kaluumeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan mowjadaha badda.
Qoraal ay soo saartay Wasaarada Kalumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa lagu sheegay in kaluumeeysatada Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan tagida meelaha fog-fog ee Badda gudaheeda ah xilligan si ay uga badbaadaan Badda kacsan.
Wasaaradda ayaa xustay s in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan oo ay taxadar weyn muujiyaan.
Xilliga Bad xiranka ayaa waxaa socon kara oo kaliya maraakiibta waaweyn iyadoo doomaha yaryar iyo maraakiibta yaryar laga joojiyo ku safarka Badda, marka laga reebo xeebaha dhow dhow.