Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in Mashruuca Baxnaano la soo marsiiyay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, isugana ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhinaciisa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.
Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka, waxaana fulintiisa qeyb ka ah Hay’adaha Q/Midoobay ee UNICEF iyo WFP.