Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay war uu hore u sheegay oo si weyn ay Baraha Bulshada ugu faafiyeen taageerayasha madaxweynihii hore Maxamed C/llahai Farmaajo.
Wasiir Beyle oo shir jaraa’id qabtay yaa sheegay inuusan jirin dhaqaale u buuxa dowladda iyo qasnadda dowladda, ayna halis tahay in la waayo mushaarka hadii aan dadaal weyn la sameyn.
“Waxaa la i weydiiyay Bishaan 25-keeda ka bixin kartaan mushaarka, haa baan iri balse wixii ka dambeeya hadii aan la dadaalin la waayi karo, ha yeeshee hadii la dadaalo la heli karo mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha dowladda” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Beyle
Wasiirka oo hore saxafiyiinta kula hadlay Xarunta Baarlamaanka ayaa laga soo xigtay oio lagu faafiyey baraha bulshda isagoo leh: “Waxay ka tagtay dowladii hore waxa weeye inay suuragal tahay saddexda bilood, afarta bilood iyo lixda bilood ee soo socota inay suragal tahay in Mushaarka la bixin doono..”
Miisaaniyadda dowladda Federaalka ayaa in ka badan kala bar ah taageero dhaqaale iyo kab miisaaniyadeed oo ay ka hesho Hay’adhaa iyo dalal shisheeye, taasoo haddii la waayo halis ku ah dhammaan dhaqdhaqaaqa dowladda oo Mushaar bixintu ka mid tahay.