Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay qoraalkii Xeer ilaaliayha guud ugu yeeray si su’aalo looga weydiiyo baaritaan ku socda Maaliyadda dalka.
Qoraal jawaab celin ah oo Wasiir Beyle u diray Xeer ilaaliyaha guud ayuu ku sheegay inuu wixii dacwad ah mas’uul uga yahay Garyaqaanka guud ee dowladda, ayna tahay inuu soo maro xeer ilaaliyaha si loo ilaaliyo sharciga.
“Sida uu qabo Qodobka 3-aad, Faqraddiisa 2-aad, Xarafka B, ee Xeer Lr. 18 ee soo baxay 29 Jennaayo 1978 ee Dhismaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa masuul ka ah “difaacidda Dawladda iyo xubnaha Dawladda Maxkamadaha hortooda”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle oo diiday inuu hortago xafiiska xeer ilaaliyaha.
HOOS KA AKHRISO
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Wasiirka
MOF/OM/841/2022 June 26, 2022
Ku: Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Og: Guddiga KMG Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka JFS
Og: Garyaqaanka Guud ee Dawladda
Og: Ra’isul Wasaaraha DFS
Og: Madaxweynaha JFS
Ujeeddo: Jawaabcelin.
Mudane Xeer-ilaaliye, Waxa aan kuu caddaynayaa inaan helay warqaddii ka soo baxday Xafiiskaaga, taas oo ku taariikhaysnayd 23/06/2022, summadeeduna aheyd XXIG/AG77/2022 ee aad igu yeertay, aniga oo ah Wasiirka Maaliyadda, kuna sheegtay in aan imaado Xafiiska xeer-Ilaaliyaha Guud maalinta Isniinta ah, si wax la liga waydiiyo arrimo la xariira Maaliyadda dalka.
Haddaba, sida uu qabo Qodobka 3-aad, Faqraddiisa 2-aad, Xarafka B, ee Xeer Lr. 18 ee soo baxay 29 Jennaayo 1978 ee Dhismaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa masuul ka ah “difaacidda Dawladda iyo xubnaha Dawladda Maxkamadaha hortooda”.
Anniga oo raacaya xeerka kor ku xusan, kana digtoon in lagu xad-gudbo mas’uuliyadda iyo waajibaadka Garyaqaanka Guud ee Dawladda, waxa aan halkan si xushmad leh kuugu soo jeedinayaa in xafiiskaagu u hoggaansamo hab-raacyada iyo xeerarka la dejiyey ee loogu talagalay in lagu maamulo arrimaha Dawladda iyo Dalka.
Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay xaqiijinaysa diyaarna u tahay in ay la wadaagi doonto Garyaqaanka Guud ee Dawladda dhammaan jawaabaha uu u baahdo Xafiiska xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku.
