Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ay maanta u ahayd maalin adag oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay kulamo saacado qaatay la yeesheen saacado kooban gudahood.
Wasiir Beyle ayaa Madaxtooyada tagay subaxdii hore halkaasoo uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kulan dheer kula yeeshay, kaasoo looga hadlay xaaladda maaliyadda Xukuumadda iyo murankii ka dhashay warbixintii musuqa ee Guddiga Maaliyadda Miisaaniyadda.
Wasiirka ayaa kulanka gaarka ah ee uu la yeeshay Madaxweynaha kusoo koobay farriinta soo socota: “Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta maaliyadda & natiijooyinkii kasoo baxay kulankii J/Carabta ee Qaahira usbuucii tagay. Hore ayaan u soconnaa, Madaxweynaha ayaana ku ammaanan aragtida toosan ee uu nagu hagayo..”
Markii uu wasiirku ku laabtay Wasaaradda Maaliyadda ayuu haddana la kulmay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi ku sugaya, waxaana dhex maray kulan kale oo dheer, kaasoo ay markii dambe ka qeyb galeen wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo wasiiru dowlaha.
Farriin kale laba saacadoo gudahood uu wasiir Beyle uga hadlay kulanka Ra’iisal wasaare Kheyre ugu yimid Wasaaradda Maaliyadda ayuu yiri: “Waxa sharaf ii ah in maanta xafiiskayga igu soo booqday Ra’iisal wasaaraha, ugana warbixiyay horumarka dib u habaynta Maaliyadda & horumarka dhaqaalaha dalka..”
Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa heysta cadaadis weyn oo ku saabsan xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018 oo muran weyn ka taagan yahay iyo ansixinta miisaaniyadda 2019, iyadoo kharash-bixinta dowladda ay xirmi doonto kadib 31-ka Disembar 2018.