Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle aya maanta faafhaahin ka bixiyey shir ay magaalada Addis ababa uga qeyb galeen oo lagu eegayey deyn cafinta Soomaaliya iyo shuruudihii loo dhigay.
Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in geedi socodka deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan, isla markaana shirka ugu horeeya ee go’aan looga gaarayo deyn cafinta uu dhici doono horaanta sanadka 2020 oo dhinacyada deynta ku leh Soomaaliya ay isugu imaan doonaan.
Wasiir Beyle ayaa caddeeyay in lixda bilood ee socota Soomaaliya laga doonayo inay kordhiso dakhliga gudaha ayna mari doonaan saddex imtixaa, isla markaana Bankiga Adduunka iyo IMF ay kormeerayaan sida dowladu uga soo baxday shuruudihii loo dhigay, ayna soo saari doonaan warbixinnadii ay Soomaaliya ka qorayeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ugu jirto in laga cafiyo Soomaliya lacag ka badan 5 Bilyan oo doolar oo deyn ahaan lagu leeyahay dalka, taasoo aqoonyahannadu ay sheegayaan inay waqti badan qaadan doonto.
Hay’adaha iyo dalalka lacagta deynta ah ku leh Soomaaliya waxay kala yihiin:
Paris club (US, Canada & Yurub) = 2 Bilyan iyo 477 Milyan
IFS (World Bank, IMF, Afrian Development Bank) = 1 Bilyab oo doolar
Arab Fund (Sanduuqa Carabta) = 479 Milyan oo Doolar