Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa codkiisa ku biiriyey muranka ka taagan mushaarka ciidamada xoogga dalka oo qaarkood ay iyadoo gadoodsan ka soo baxeen furimaha dagaalka.
Wasiirka oo farriin soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay inay ku faanayaan geesinimada ciidamada dalka, isa markaana ay sii wadi doonaan bixinta xuquuqdooda, iyadoo buu yiri mudnaanta koowaad ka leh miisaaniyadda dalka, lakiin ay muhiim tahay inuu sida uu yahay loo fuliyo diiwaan gelinta ciidamada.
“Waan ku fananaynnaa geesinnimada ciidankeenna. Waxan sii wadi doonnaa bixinta dhammaan xuquuqdooda & gunnadooda oo ah mudnnaanta 1aad ee Miisaaniyaddeenna. Waase geed-ka-go’an in habka diiwaangelinta la fuliyo. Taasoo faa’iido u leh askari kasta & dadkeenna. Aan isla tis-qaadnno …” ayuu farriintiisa ku yiri wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
Qalalaase ka dhashay ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa lagu howlan yahay xalintooda iyadoo mudadii 2-da sano ahayd ee xukuumadda Kheyre aysan suuragelin la dhammeystiro diiwaangelinta ciidamada.

