Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasaaradiisa ayaa bilaabay olole ay Qaaraan ugu ururinayaan ciidamada dowladda, kadib markii uu sheegay inay dhaqaale darro xoog leh soo wajahday dowladda Federaalka.
Wasiirka ayaa farriimo muuqaal ah oo lacago qaaraan ah looga dalbanayo Qurbe-joogta Soomaalida u marinaya Warbaahinta dowladdai iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo kharash lagu bixiyey, waxaana uu soo bandhigay xisaabaad bankiyada gudaha dalka oo lagu shubi karo lacagaha qaaraanka ah.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda xilgaarsiinta oo marar badan ka hadlay kororka dhaqaalaha iyo canshuuraha dowladda ayaa bishii April shaaca ka qaaday inay dowladda Federaalka mareyso meel halis ah oo sagxadda ay taallo, markii ay dhaqaalaha ka joojiyeen deeq bixiyeyaasha u badan reer Galbeed, kadib khilaafkii Doorashada.
Madaxweyne Farmaajo oo xilal cusub u magacaabay Sh. Nuur Baaruud & Jen. Jaamac Qaalib
Lama oga sida Wasaaradda maaliyadda u maareyn doonto Qaaraanka ay dooneyso inay dadka Soomaaliyeed ka ururiso iyadoo Guddi uu July 2017 sameeyay Madaxweyne Farmaajo oo loogu magac daray ‘TAAKULEYNTA CIIDAMADA QALABKA SIDA’ aan la ogeyn meel ay ku danbeeyaan, iyadoo lacago bilow ah loogu deeqay xilligaasi.
Waxaa xusid mudan in wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka aanay wax xisaab celin ah sameyn 3 sano oo ka mida intii uu talada hayay Maxamed C/laahi Farmaajo.
Madaxda Dowladda oo Caawa ka qeyb galaya Xaflad Nooc cusub ah oo Lacag lagu ururinayo
