Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Wasiir Beyle: “Waxaa leygu haystaa waa mashruuc ii fuli, Warbixintnuna waa mala-awaal..”  [Akhriso]

    Wasiir Beyle: “Waxaa leygu haystaa waa mashruuc ii fuli, Warbixintnuna waa mala-awaal..”  [Akhriso]

    November 24, 2018Updated:November 24, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul uga hadlay eedeynta ay wasaaraddiisa u jeediyeen qaar ka mida Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, isagoo iska difaacay eedeynta loo jeediyey.

    Wasiirka oo loogu yeeray inuu faahfaahin ka bixiyo warbixinta Guddiga ayaa hadalkiisa ku bilaabay:  “Waxaan ka jawaabayaa eedeymaha faraha badan ee la ii soo jeediyay. Dadka qaar ayaa qaba in 2+2 ay tahay 3, waana khalad. Waxaa la soo gudbiyay warqad dhaleeceyn ah oo dhabarka ka jabinaysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa dadaal weyn loo soo galay in aan bixino mushaarka ciidanka, lagana gudubno lacagaha faraha badan ee ah deymaha ah. Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, waxaana nagula xiray 14 qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo kasoo baxa. Guddigu waxay ahayd inay anaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, anagaa ku jirna ceelka guntiisa. Arintaan waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo”.

    Wasiir Beyle oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Su’aasha koowaad haddaan ka jawaabo: lacagtii shaqaalaha ayaa hoos u dhacday. Shaqaalaha waxaa ka yimid 37 kun, Imaaraadkana lacag kama imaan. Sacuudiga waxaa ka yimid 50 milyan, kuma soo dhicin Bankiga Soomaaliya; waxay ku dhacday akoon ku yaala Turkiga, halkaas ayaana laga maamulaa, waxaana faahfaahin doonta Gudoomiye Ku-xigeenka Bankiga”.

    Wasiirka oo tix gabay ah goobta ka tiriyey ayaa ku dhaartay in aysan dhici doonin in hantida qaranka lagu takri falo, waxa uuna yiri “Waxaa laygu haystaa mashruuc ii fuli. Marka laga hadlayo dhaqaalaha lacagta dalka waxa la soo hadal qaaday Gobalka Banaadir, waxaana dhaqaalaha oo dhanba ka soo saarnaa Gobolka Banaadir. Waxaad garab igu siisaan in aan mideyno Canshuurta Guud ee Dalka”.

    Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Hadalkayga waxaan ku soo gabagabaynayaa in arrinkan uu yahay mala-awaal iyo kutiri-kuteen la soo dhoodhoobay, mar kastana waa in la ogaadaa qoraalada saamaynta iyo dib u dhaca ku yeelanaya dalka”.

    Guddoomiye Kuxigeenka Bangiga Dhexe oo intii uu wasiirka hadlayey soo dhex gashay si ay faahfaahin uga bixiso lacagta Sacuudiga laga helay ayaa sheegtay:  “Lacagta dowladda soo gashay waa $50 milyan. Wasiirka Maaliyada ayaa nagu amray inaan $10 milyan ku wareejino dowladda bishii Oktoobar, Wasiirka ayaa haddana nagu amray bishii Novembar inaan bixino $6 milyan, waana bixinay, $4 milyan ayuu haddana naga qaaday, $10 milyan ayaan haddana u dhiibnay Wasiirka Maaliyadda, waxayna is ku tahay $30 milyan. Wasiirka Maaliyada ayaa nagu wargeliyay inaan la taaban karin lacagta $20-ka milyan ee hartay, laakiin intuu soo laabtay ayuu naga qaaday $5 milyan, waxuuna yiri ma habooneyn ee waa loo baahday. Hadda waxaan heynaa $15 milyan iyo lacag kale oo mashaariic loogu talagalay”.

    Beyle Guddiga Maaliyadda Top Wasaaradda Maaliyadda Wasiir Beyle
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXubnaha Guddiga Maaliyadda oo isku qabsaday fadhigii Baarlamaanka ee Maanta & Buuq ka dhacay [Akhriso]
    Next Article Guddoonka Baarlamaanka oo Raaligelin ka siiyey Wasaaradda Maaliyadda Warbixintii Guddiga Maaliyadda [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo