Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa shaaciyey sababta uu uga baaqday safar la filayey inuu ku tago magaalada Kismaayo, isagoo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Wasiir Oomaan ayaa sheegay inuu safarkii Kismaayo uga baaqsaday isagoo ka fogaanaya inuu iska hor imaad ka dhaco magaalada, wuxuuna caddeeyay inuusan ka tanaasulin musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Jubbaland oo sida kaliya ee uu ku tanaasuli karo ay tahay in tartan xalaal ah looga adkaado.
“Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana Kismaayo markaan tegayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow) ayuu yiri wasiir Oomaar”. “Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn” ayuu yiri Wasiir Oomaar.
Wuxuu sheegay in Guddiga Doorashada uu yahay guddi aan kalsooni heysan oo loo yeeriyo waxa ay sameynayaan, odayaashii dhaqankana la qoranayo oo aysan magaalada Kismaayo ka jirin doorasho sax ah, laakiin uu tartami doono marka la helo jawi haboon iyo Doorasho xalaal ah.