Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo ka mida ahaa wasiirada ugu awoodda badan xukuumadda Somaliland, isla markaana muddo dheer soo qabtay xilal wasiirnimo ayaa xilkii looga qaaday isku shaandheyn uu xalay sameeyay madaxweynaha Somaliland.
Xilka ka qaadista Warancadde ka sokow waxaa loo magacaabay xil ay hadal hayaan maanta dadweynaha Somaliland oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya.
In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia. (SIILAANYO)
Wasiirkan oo caan ka ah Somaliland, isla markaana lagu yaqaan inuu difaaci jiray dowladda Itoobiya oo uu ugu yeeri jiray inay walaalo yihiin Somaliland ayaa lagu abaal mariyay inuu wakiil uga noqdo Somaliland dalka Itoobiya.
Warkii ugu danbeeyay ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Cali Warancadde uu ku gacan seyray xilka loo magacaabay ee wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu ku sheegay Warancadde inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista lagu sameeyay, lana shaqeynayo wasiirka cusub, wuxuuse sheegay inuusan dooneynin xilka loo magacaabay.
Baraha bulshada ayaa lagu hadal hayaa isku shaandheynta madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay xalay oo galaafatay mid kamida wasiirada ugu waaweyn maamulkaasi.
Wadani.com