Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wasiir Cawad oo Soomaaliya u metelay shir madaxeedkii Afrika ee Kigali [4 Madaxweyne oo lagu casuumay Somalia]

    Wasiir Cawad oo Soomaaliya u metelay shir madaxeedkii Afrika ee Kigali [4 Madaxweyne oo lagu casuumay Somalia]

    March 22, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kigali, March 21, 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha wadamada Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.

    Shirkan ayuu wasiirka ku metelay MadaxweynahaSoomaaliya Maxamed C/dullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka baaqsaday ka qeybgalka shir madaxeedkaasi. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa shir madaxeedka ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso horumar dhaqaalle oo dalalka Afrika ay ku naaloodaan, isagoo xusay in dadyowga qaaradda ay u riyaaqi doonaan ka guul keenidda kobaca iyo barwaaqada loo madal dhigayo jiilalka soo socda.

    Danjire Axmed Cawad ayaa muujiyay heshiisyada seddexda ah ee Madaxda Afrika ay saxiixeen maanta muhiimadda ay u leedahay ee ah dhowridda madax bannaanida, xoojinta wadajirka iyo sare u qaadida karaamada ummadda, waxaanu yiri “Soomaaliya waxa ay codkeeda ku biirinaysaa taageeridda heshiiskan taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee wadamada Afrika si isbadal loogu sameeyo dhaqaallaha qaaraddeena iyada oo la soo banbixinayo waddooyin cusub si loo ballaariyo ganacsiga iyo maalgeshiga noo dhexeeya. Haa, waxaa jira howl badan oo nalooga baahan yahay inaan qabanno, hayeeshee maanta waxaanu direynaa farriin qaaradeed culus si aan uga talinno aayaha mustaqbalkeena ee xoojinaya geediga Afrika ee ku suntan barwaaqada”.

    Wasiira Cawad ayaa saxiixay saddex heshiis oo kala ah, Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area], Baaqa Kigali [Kigali Declaration] iyo Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka [Protocol on Free Movement of Persons].

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

    Wufuudda 54 dowladood oo Afrikaan ah oo shir madaxeedka ka qeybgashay ayaa waxaa saxiixay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area] illaa iyo 44 dal, sidoo kale 43 dal waxa ay saxiixeen Baaqa Kigali [Kigali Declaration] , halka 27 dal ay saxiixeen Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka [Protocol on Free Movement of Persons].

    Dhammaan wadamada bariga Afrika waxa ay saxiixeen seddexdaasi hindise marka laga reebo Burundi oo aan shir madaxeedka ka qeybgelin.

    Hoggaamiyeyaasha Afrika ee is dhaafsanayay saxiixyada ayaa dhammaantooda wada qiray in saxiix ku duugidda hindisaha Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [AfCFTA] uu ka dhigan yahay tallaabo weyn oo la qaaday tan iyo markii la aas,aasay Ururka Midowga Afrika.

    Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay aagga ganacsiga xorta ah ayaa ah abuuridda hal suuq oo xor ah, kaasi oo dhiirigelin doona warshadeynta, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo ganacsiga oo isaga kala gudba dhammaan gudaha iyo daafaha qaaradda oo ay ku noolyihiin dad dhan 1.2 billion.

    Image may contain: 6 people, people sitting and suit

    Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting

    Image may contain: 23 people, people smiling, people standing and textImage may contain: one or more people, people standing and text

     

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Beesha Caalamka oo si buuxda u taageertay Qodobkii ugu weynaa ee Guddoomiye Jawaari soo jeediyay [Akhriso]
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Madaxdii Alshabaab ee Gobollada Gedo & Bay ay isu dhiibeen dowladda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo