Wasiirka xilka siihaya ee Qorsheynta iyo iskaashiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay in musharixiinta isu sharxay xilka madaxweynaha aysan intooda badan wax rajo ah lahayn.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu wasiir ceynte ku yiri: “24 nin ayaa buuxiyey shuruudaha musharraxnimada madaxweynaha Soomaaliya. Badankood rajo ma lahan balse tartanka waa loo baahan yahay..”
Wasiir Ceynte ayaa musharixiinta isu taagay xilka Madaxweynaha badankood ku tilmaamay kuwo xamaasad heyso, taasoo qeyb ka ah dimoqraadiyadda, looba baahan yahay in la tartamo.
Dad badan ayaa aamisan hadalka kasoo yeeray wasiirka, waxayna aad ula yaabeen musharixiin aan xitaa kiu tashaneyn hal cod inay lacag fara badan ku bixiyaan si ay magaca musharax u qaataan.
Wadani.com