Sii-hayah wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Ceynta ayaa Soomaaliya uga qeybgalay shirka wasiirada dalalka IGAD ee magaalada Nairobi.
Wasiir Ceynte oo ka mid ahaa xubnaha madaxweyne Farmaajo ku wehliya socdaalkiisa dalka Kenya Soomaaliya uga qeybgalay shirka wasiirada dalalka IGAD ee lagu diyaarinayo qodobada shir madaxeedka IGAD ee beri ka furmaya magaalada Nairobi.
Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida, waxaana soo qabanqaabiyay Kenya, IGAD, UNHCR iyo Midowgha Yurub.
SAWIRRO