Kadib qoraalkii kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo lagu joojiyay banneynta dhul ku yaala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dhulkaas la isku heysto.
Akhri: Wasiir Odowaa oo farageliyay dhul la isku heyso degmada Hodon & amar uu diiyay Duqa Muqdisho
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in arrintan dhulkan ay isku qabsadeen Wasiir Odowaa iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo ka soo jeeda dhinaca doonaya in dhulkaasi lagu wareejiyo ganacsato laga iibiyay.
Wasiir Odowaa ayaa soo farageliyay arrinta dhulkaasi oo gobolka Banaadir ay go’aamiyeen in la banneeyo lagana saaro dad sharci darro ku degan, wuxuuna dib ug dhigay in dacwad ka socoto, iyadoo la ogyahahay in dacwdaaasi dhammaatay.
Wasiir Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dadka u ololeynaya in dhulkaasi lagu wareejiyo ganacsato maalgashi ku sameyneysa.
Dadka degan dhulkaasi dowladdu leedahay intiisa badan ayaa bannaanbax saaka ka sameeyay Isgoyska Trebuunka iyagoo sita sawirada wasiir Odowaa, waxayna arrintan dib u soo celisay dhul boobka ay ku lug leeyihiin wasiirada iyo madaxda sare ee dowladda.
Wadani.com