Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Axmed Macallin Fiaqi ayaa si kulul ugu jwaabay Afhayeenka Alshabaab oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay xurmo darreysay, kuna xadgudubtay Odayaasha Beesha Saleebaan ee heshiis la galay Alshabaab.
Wasiir Fiqi ayaa qoraal jawaab ah oo ku socday Afhayeenka Alshabaab ku yiri: Khawaarij Cali Dheere oo waxaa la hayaa Xuquuqda Aadanaha hala dhowro dhahaya oo intaas ku daray calaacal iyo catow, baryo iyo is-miskiinin”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa intaas ku daray: “Weli la isma gaarin Cali ee guntiga dhuuqso, qabaa’ilka Soomaaliyeed waa idin fahmeen, waana kuwa aad waxgaradkoodiina leyseen, hantidoodii aad boobteen, Karaamadoodiina aad ku xadgudubteen”.
Ciidamada Galmudug ayaa magaalada Cadaado kasoo xiray ilaa 3 oday oo la heshiiyay Alshabaab, waxaana loo gudbiyey magaalada Muqdisho oo lag xiray, iyadoo loo heysto la-macaamilka Alshabaab.
“Waxaa la joogaa waqtigii aad bixin lahaydeen qiimaha gaboodfalladii aad geysateen, waxaa kuu eg in Aad isa soo dhiibto oo kaliya!.”
