Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wasiir Goodax oo Qarxiyey Cidda ay u afduuban tahay waxbarashada Puntland & xaqiiqada arrinta Shahaadada (Daawo)

    Wasiir Goodax oo Qarxiyey Cidda ay u afduuban tahay waxbarashada Puntland & xaqiiqada arrinta Shahaadada (Daawo)

    January 31, 2020Updated:February 1, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Waxbarashada Xukuumadad Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta Shahaado bixinta ee Ardayga Soomaliyeed ee ka qalin jebiya dugsiyada Sare oo muran ka taagnaa, isagoo caddeeyay inaysan shaqo ku lahayn Dastuur, laguna fasiri karin, isla markaana aysan ahayn mid ku saabsan heshiisyo.

    Wasiir Goodax ayaa sheegay in arrintan muranka shahaado siinta ardayda ay ku saabsan tahay in Arday aan imtixaan gelin in shahaado la siiyo, wuxuuna intaas ku daray inuusan jirin Dastuur sharciyeynaya in arday aan imtixaan gelin shahaado la siiyo, ayna isku shahaado qaataan arday aan imtixaan galay iyo mid aan gelin.

    “Waxaan la leeyahay waxaa la fara gelinayaa waxbarashada, Dastuurka ayaa xaq noo siiyey madax banaani, waxaas oo dhan waa marin habaabin… Tusaale haddii aan u soo qaadano Maamul Goboleedka hadda cabanaya (Puntland).. cid faragelisay waxbarashadooda ka ma jirto, xataa imtixaanka cid faragelisay ma jirto, waxaa madax bannaan yihiin… imtixaankooda ayey qaadaan.. waxa aan isku heyno ee sarta ka quruntay ayaa ah: imtixaanka ayaan qaadayaa cidna igama war qabeyso.. ma ogaaneysaan ardayda waxay yihiin, laakiin shahaado ayaan bixineysaan..! arrintaas waa sed-bursi aan la qaadan karin..” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo si cad u kashifay waxa ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo maamulaka Puntland.

    Wasiiru wuxuu sheegay in waanwaan 4 sano lala waday Puntland ay soo dhammaatay oo mar waliba ay sheegayeen inay sanadka danbe fulinayaan shahadada mideysan ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, wuxuuna caddeeyay inuu ka xun yahay in la siyaasadeeyo arrintan, laakiin ay wasaaradiisa ka go’an tahay inaan wax shahaado ah la siin arday aan shaqeysan.

    “Maamuka Puntland aad iyo aad ayey u siyaasadeeyeen arrintan… markii siyaasadihii kale oo dhan meel ay marsiiyaan waayeen… inay waxbarashadii ku gorgortamaan.. siyaasaddda waxbarashada Puntland dad ayay u afduuban tahay… wadaadka 80 jirka ah ee raba in 18 sano jirka Puntland inuu mustaqbal seejiyo ayey u afduuban tahay.. waxaan arkaayey wiilkiisa oo qeylinaya, Juxa iyo Cali Xaaji dad noocaas ah… war dadkan maxay u hortaagan yihiin waxbarashada, aqoonta iyo shahaado bixinta.. waxaa isaga khaldan tahay waxbarashada iyo siyaasadda Soomaaliya..” ayuu farta ku fiiqay Wasiir Goodax.

    Wasiirka Waxbarshada ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday una jawaabay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, isagoo ku eedeeyay inay ka degi la’ dahay Puntland, dhibaatii uu dadka Soomaaliyeed u abuurayna ay weli taagan tahay.

    HOOS KA DAAWO

    Puntland Shahaadda Dugsiga Sare Top Wasiir Goodax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxtooyada & Hay’adda NISA oo xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Gedo ka hor istaagay inay tagaan Gobolkaasi
    Next Article Ciidamada Dowladda oo si weyn u adkeeyay Amniga Dhuusamareeb iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Galmudug..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo