Wasiirka Waxbarshada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sixitaan ku sameeyay qeyb ka mida khudbad uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey furitaanka kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka maanta.
Madaxweynaha oo buuq badan ku furnaa ayaa waxqabadka dowladda ka tilmaamay inay waxbarasho lacag la’aan ah siiday 65 arday, ayna la wareegtay Dugsiyadii Waxbarashada, tiradaas oo si khaldan uga soo baxday Madaxweynaha.
Wasiir Goodax ayaa sheegay in Maadxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu taageeero joogto ah iyo muhiimad siiyay bahda waxbarashada. “Hogaankiisa wanaagsan waxay dhaxal-siisay, 64,000 oo carruur Soomaaliyeed oo ay qeyb ka yihiin agoontii waalidkooda ku shahiiday musiibadii qaraxii Zoobbe in ay si lacag la’aan ah wax ku bartaan..” ayuuu yiri Wasiir Goodax oo qoraal soo saaray.

Wuxuu sheegay in meesha laga saaray Manaahijtii shisheeye oo lagu baddalay Manhaj Soomaaliyeysan oo tayo leh, isla markaana si lacag la’aan ah buugaag tiradeedu gaareysay 1,040,000 aan u qeybinnay arday kor u dhaafeysa 300,000 oo ku kala sugan gobollada dalka oo idil.