Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaan maanta xafiiskiisa kullan kula yeeshay qaar ka mida xildhibaabada kasoo jeeda Maamulka Puntland.
Kullankan ayaa looga hadlay dhibaatadda ka taagan sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 u heli lahaayeen Shahaadda Dowladda Federaalka Somalia, kadib markii maamulka Punrtland ay diideen inay qaataan imtixaanka dowladda Federaalka, taasoo keentay in xukuumadda Somalia ay siin weydo ardayda Puntland Shahaadada Dugsiga Sare ee Dowladda Somalia.
Wasiir Goodax ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xal laga gaaray arrintan balse aanu shaacin, wuxuuna yiri. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland. Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono…”.
Wasiir Goodax ayaa sheegay inuu dib kasoo sheegi doono heshiiska laga gaaray Imtixaanka Puntland iyo qaabka ay ku helayaan Shahaadada Dowladda Federaalka.