Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Wasiir Guri-Barwaaqo: C/weli Gaas waxaan leeyahay Laascaanood noqon meyso Waqooyiga Gaalkacayo..” [JAWAAB]

    Wasiir Guri-Barwaaqo: C/weli Gaas waxaan leeyahay Laascaanood noqon meyso Waqooyiga Gaalkacayo..” [JAWAAB]

    June 24, 20183 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo shalay weerar  afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo khudbad ka jeediyey furitaankii fadhiga Golaha wakiilada Puntland.

    War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayuu ku eedeeyay Puntland inay dooneyso colaad ay ku soo qaado degaano ka tirsan Somaliland, wuxuuna madaxweyne Gaas u sheegay inaysan Laas-caanood noqon doonin Gaalkacyo.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND

    “Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaan ugu qaado gobollo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaana hore u ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii ka dhacay Qaahira 1964kii, isagoo ku andacoonaya xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayo daandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto in xuduudaha dalalka Afrika aanay ahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika.

    Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey oo ceeb aanay geyin dusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushahar ku beddesha masiirkooda, iyadoo marka dib loo dhugto taariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira sooyaalka taariikheed ee xornimo u dirirkii Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaatay halgankii dib u dhiska qaranimo iyo difaaca JSL, sidaas awgeed, waxaanu leenahay dadka xurmada iyo sharafta leh ee reer Sool xaal ka sii deelqaafkaaga joogtada ah, sidoo kale sidaad ku sheegtay maaha dad ciil qabayaal ah ee waa dad gob ah oo aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso.

    Waxa kale oo aanu u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, Buuhoodlena noqonayn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo ama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa.

    Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanu kor iyo hoosba ugu bayaaminaynaa, uguna celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin, kana mid ahaan doonaan waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduudahayagana aanay jirin, annagoo ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta.

    Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in dawladda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaan sidii labadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.” Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.”

     Dhammaad

    Gaas Guri Barwaaqo Somaliland Tukaraq
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Trump oo Cunaqabatayn cusub oo lama filaan ah kusoo rogey Kuuriyada Waqooyi
    Next Article Warbixin: Fursadaha uu heysto Madaxweyne Erdogan in dib loo doorto [Loolanka adag ee Doorashada Turkiga]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo