Xildhibaanada cusub ee Dhalinyarada ah waxaa laga rabaa inay si shakhsiyan ah miisaan siyaasadeed u yeeshaan
Arrimaha guddiga FEIT iyo maamulada qaar isku haystaan ma ahan arrin qadiyadeed ama masiiri ah oo si gaar ah maamul ama beel u taabanaya.
Arrimaha lagu murunsan yahay waa hannaanka loo maray doorashada kuraas kooban oo ay ahayd in mar hore la xaliyo. In kuraas muran ka dhasho wax cusub ma ahan horey ayay u dhacday. 2012 ilaa 50 kursi ayaa muran galay oo qaarkood KG ka soo jeedeen, 2016 kuraas ayaa KG doorashada lagu celiyey.
Iyadoo doodahaas jireen haddana geedi-socodka doorashada marna uma istaagin.Waxaan aaminsanahay, sida Hirshabele in dhammaan xilibaanada KG aysan ku mowqif ahayn go’aanka maamulka KG laakiin ay siinayaan fursad in xaaladda siday tahay loo fahmo oo aan la caadifeynin.
Xilibaanada cusub ee dhalinyarada ah waxaa laga rabaa inay si shakhsiyan ah miisaan siyaasadeed u yeeshaan iyagoo muujinaya deganaansho, biseyl, ka fiirsasho iyo miisaamid arrimaha siyaasadeed intaysan fikir si ‘public’ ah u dhiibanin.
Mawqifkooda iyo fikradadahooda ay baraha bulshada ku cabirayaan waa halbeeg iyagana lagu miisaamayo inay u qalmaan mansabka loo doortay.
Isku duubnida iyo wadajirka xilibaanada KG ka soo jeeda waa muhiim laakiin waa inay ku salaysan tahay dan guud. Waxaa hubaal ah, process-ka bilawday ee shahaado siinta wax ka duwan inaysan dhacaynin. Waayo waa habraacii lagu heshiiyey.
Jadwalka doorashada u malayn maayo inuu wax weyn iska bedelayo ee wadanka xaalad adag ayuu ku jiraa yaanan sabab loo noqonin in waqti kale laga lumiyo.
In xilibaanada degdeg loo dhaariyo, doorashada guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha la dedejiyo waxay ku jirtaa danta guud ee wadanka khaasatan KG oo ay abaaro, sicir-barar iyo amni daro ku habsatay.
W/Q: Maxamed Aadan Fageeeti
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya
