Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan maamulka Galmdug uu ku dhaawacmay dagaal beeleed ka qarxay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Wasiirkii hore Shaqada iyo Shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmey dagaal beeleed Galabta dhex maraey maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamaya degaanka Xananbuure ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, xilli la sheegay in isaga iyo odayaal kale ay halkaasi ku gaareen dadaal nabadeyn ah.

Wasiir hore iyo nabadoon Daahir Shidane ayaa la sheegay inay xabbadu madaxa ka haleeshay, iyadoo dhaawaciisa loo qaaday magaalada Gaalkacyo si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Dagaal culus ayaa mar kale maanta ka dhex qarxa maleeshiyooyin Beeleed iska horjeeda oo ku dagaalamya degaanka Xananbuure, iyadoo la isku heysto baraago laga qoday Dhul ay labada dhinac isku heystaan.