Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay maleeshiyo Beeleed, kana hor yimid maamulkaasi.
Sida ay shaacisay Xukuumadda Puntland Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa hadda hoggaaminaya ciidamo maleeshiyaad ah oo u goostay degaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal, halkaasi oo ay dhigteen Jid-gooyo.
“Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Xasan Shire Abgaal ayaa jid-gooyo dhigtay degaanka Karin-dhiig, isaga ayaana afkiisa iga yiri, dagaal baan geleyaa..” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Siciid Juxa oo maanta u warramay Idaacada Daljir.
Wasiir Juxa ayaa sheegay in ciddii ku kacda jid-gooyo ay dowladda Puntland tallaaboka qaadi doonto, ayna tahay fal dembiyeed sharciga lala tiigsan doono.
Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo la filayo in dhowaan gobolkada Bari iyo degaanada Karkaar iyo Gardafuu laga bilaabo diwaangelinta doorashada oo weli ay diidan yihiin ururrada siyaasadda Puntland.
