Wasiir ka mida golaha wasiirada cusub ee Koonfur Galbeed ayaa iska casilay xilkii loo magacaabay.
Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Eng. Saalah Sheekh Cusmaan ee Koonfur Galbeed ayaa diiday inuu xilkaasi qabto.
Eng. Saalax oo hore isla xilkan uga oo qabtay dowlada Federaalka ayaa isagoo dalka ka maqan loo magcaabay xilkan, wuxuuna qoraal uu soo diray kaga cudurdaartay xilkan
AKHRISO QORAALKA
War Saxaafadeed
________________
Isbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigu xilligaan Wadanka waa ka maqanahay, hawlo Qaran ayaa u joogaa Dalka dibadiisa, dadaal waxtar leh oo Soomaaliya lagu hormarinaayo ayaa ku hawlan ahay.Mabda’ ahaan waxaa iga go’an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka K/Galbeed sabbabo jira awgood.
Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo.
Mahadsanidiin