Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka bilowday Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaal ee laga soo doorto Galmudug.
Aadan Cismaan Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#013 ee golaha shacabka, kadib markii uu kusoo baxay tartan la’aan iyo kursiga oo loo xiray.
Aadan Qoryooley ayaa ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmudug, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha aadka ugu xiran Villa Somaliya, gaar ahaan agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Wuxuu mar madax ka noqday Guddigii dhex dhexaadinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isagoo uu soo magacaabay Farmaajo.
