Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka socda doorashada kuraas ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Kursiga HOP126 ayaa waxaa kusoo baxay Xasan Xuseen Maxamed oo ka mida wasiirada Maamulka K/Galbeed, waxaana kursigan hore ugu fadhiyey Maxamed Xasan Idiris.
Wasiir XasanEelay waxaa kula tartamay kursiga musharax Cabdiraxman Macalin Xuseen, waxaana kusoo baxay wasirka Gaadiidka K/Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay uu helay codad gaaraya 74 cod halka Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod. waxaana xumaaday 5 cod.
Shalay ayaa magaalada Baydhaba Kursigan bedelkiisa, waxaana labad kursi is weydaarsaday madaxweynayaasha Jubbaland iyo K/Galbeed oo laba nin oo ay kala wataan ku heshiiyey inay kusoo kala saaraan kuraasta kala taalla magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba.
