Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka ugu baaqay inay sii kordhiso duqeynta cirka ah ee ay ka wado Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya oo muddo ahaa kusimaha wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay haddii aanu Mareykanku xoojin weerarrada diyaaradaha is-wada ee Drone oo lagu beegsanayo kooxda Alshabaab in dagaalka lagula jiro Alshabaab inaan natiijo laga gaareynin.
Iyadoo ay soo xigatay jariirada Wall Street Journal ayuu sheegay in weerarrada diyaaradaha Drone ku qaadaan Alshabaab ay yihiin qaabka ugu wanaagsan ee looga hortegi karo weerarrada Alshabaab.
“Haddii aanay heysan taageerada Mareykanka, anagu cagaheena kuma istaagi karno, ciidamada ammaanka weli ma diyaarsana, waxaanan u baahanahay weerarro badan oo dhinaca cirka ah..” ayuu yiri Wasiir Xagaa.