Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu yahay musharax u taagan xika madaxweynaha maamulka Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.
C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu doonayo inuu isu sharxo xilka madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, inkastoo isagoo diyaar ahaan ahayn lagu qalqaalinayo.
Musharaxan ayaa la sheegay inuu hoos ka taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin aanu awood badan u lahayn musharax ay wataan Itoobiya iyo IGAD oo lagu mahacaabo Cali Caraale. (Akhri Xogta Musharaxan).
Qorshaha cusub ee dib loogu furay shirka Jowhar ayaa ku dhisan in madaxweyne loo caleemo saaro siyaasi ka soo jeeda Beesha Xawaadle si xal loogu helo cabashada beeshaasi iyo diidmada ay kala hor timid maamulka loo dhisayo labada gobol.
Wadani.com