Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas.
Wasiirka ku xigeenka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabir ayaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ka labalabayneyn inay ciidamo u diro dalka Koonfur Sudan, wuxuuna tusaale u soo qaatay dalka Brundi oo xaalad colaad ku jirta inay Soomaaliya ciidamo ka joogaan.
“Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weydiiyaan sidee ayey suurt-gal ku tahay in dal Soomaaliya oo kale ah, oo kasoo kabanaya dagaallo uu ciidamo nabad-ilaali ah diro, laakiin maxaa naga hor-istaagaya inaan ciidamo ku tabarucno. Burundi ayada oo dagaallo ku jirto ayay annaga ciidamo noo soo dirtay, oo ay gacan ka gaysatay dib u dhiska dalkeena, maxaa anaga noo diidaya inaan ka qeyb-galno dhisidda nabadda dal kale oo Afrikan ah”. Ayuu yiri C/raxmaan Jaabiri
IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur sudan. Hase yeeshee George Musamali oo ah agaasimaha Xarunta Mareynta Halisaha ee Afrika ayaa arrintan si kale u arka.
“Sawirka IGAD ay bixineyso ayaa ah inay muujiso inay xasilisay Soomaaliya, waxay ku cayaarayaan maskaxda dadka, oo ay u sheeegayaan in xasiloonida Soomaaliya ay joogto heer ay ciidamadeeda u diri karto dalal kale, balse taasi waa fikrad qaldan, wax ay ahaataba waxaa cad in Al-Shabaab weli ku baashaaleyso Soomaaliya” ayuu yiri Musamali.
Howlgalka QM ee Koonfur Sudan ayaa waxa uu ka kooban yahay 17,000 oo askari, kuwaasi oo badbaadinaya dadka shacabka ah, islamarkaana gacan ka gaysanaya sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa, halka ay sidoo kalena la soconayaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Soo jeedinta ku saabsan in Soomaaliya lagu daro dalalka ciidamada gaynaya Koonfur Sudan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan inay ciidamo diri karto, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika ee ka kooban 22 kun ee askari.
Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaaliya oo is-garabsanaya ayaa la dagaalamaaya kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah inay riddo dowladda federaalka ee caalamka uu aqoonsan yahay.
Musamali ayaa leh Soomaaliya diyaar um ahan in ciidamo dirto. “Soomaaliya diyaar uma ah inay ciidamo gayso meel ka baxsan xuduudaheeda. Xaqiiqda ayaa ah, inayba tahay in la xoojiyo ciidamada hadda joogo Soomaaliya ee Midowga Afrika, islamarkaana si wanaagsan loo qalabeeyo, si ay ula tacaalaan dhibaatooyinka ka dhex jira Soomaaliya, ee ma ahan in ciidamo laga qaado Soomaaliya, gudaha ayaa looga baahan yahay”. Ayuu yiri Musamali.
Toddobaadkii tagey dowladda Koonfur Sudan iyo Mucaaradka ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday, si loo soo afjaro shan sano oo dagaal sokeeye ah.