Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa magaalada Muqdisho soo gaaray, isagoo ka mida wafdi ka socda urur Goboleedka IGAD oo ay wehliyaan madax ka tirsan Qaramada Midobay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xarunta La-Qabsiga Cimilada iyo Ilaalinta Degaanka ee IGAD, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Magatte Guisse iyo La Taliyaha gaarka ee UNHCR ee Isbeddelka Cimillada Andrew Harper.
Waxay labada dhinac ka wadahadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu ku heyso gobolka iyo qaabkii wax looga hortagi lahaa iyada oo diiradda la saarayo in xal waara laga gaaro abaaraha soo noqnoqda, taasi oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo urur gobolleedka IGAD.
Wasiir Jamaal ayaa xilkan looga magacaabay urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, iyadoo ay fududeysay dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka mid aha wasiiradii saaxiibka dhow la ahaa madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen qaabka looga bixi karo ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadanimo, isla markaana loo sameyn lahaa mashaariic lagu horumarinayo nolosha shacabka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimillada.
