Wasiir kale oo ka mida xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqadii ka fariisiyay Agaasimihii Guud ee wasaaradiisa, iyadoo ay xowli ku socoto shaqo ka fariisinta madaxda Wasaaradaha.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud Wasaaradaasi Axmed Xaaji Cabdi.
Qoraal aksoo baxay Xafiiska Wasiirka oo soo baxay 18-kii bishan Jult, ayuu wasiirku ku sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada, taasoo sabab looga dhigay agaasimaha uu fulin waayay, talooyin badan oo ku saabsan, toosin mas’uuliyadeed.
Ku-simaha agaasimaha cusub ee Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknooliyada ayaa loo magacaabay C/raxmaan Macalin Caddow.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA