Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in ciyaaryahan dacwad laga gudbiyay inuu yahay Kenyaan arrintiisa la xaqiijiyay.
Wasiirada ayaa sheegtay in ciyaaryaanka C/majiid Cismaan oo u ciyaara Gobolka Banaadir laguna tilmaamay inuu Kenyan yahay ay caddaatay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed una ciyaari kara gobolkii uu doono.
“Anigoo ah wasiirka Dhalinyarada iyo Sports-ka xukuumada xukuumadda Soomaaliya waxaan ummadda soomaaliyeed u xaqiijinaayaa inuu C/majiid yahay Soomaali dhab ah sida dhammaan ciyaartooyda kalena uu xaq u leeyahay inaan la duri karin soomaalinimadiisa” ayay tiri wasiirada oo sawir koox ah la gashay xubno uu ka mid yahay ciyaaryahanka.
Maamulka labada xul ee G/Banaadir iyo Jubbaland oo ay wehliyaan mas’uuliyiina Wasaaradda ayaa isla qaatay arintan iyadoo lasoo gabagabeeyay dacwadii xiriirka kubadda cagta Jubbaland ku soo oogay ciyaaryahankaasi.