Wasiirka Dhalninyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo hoggaamineysay ololohii xukuumadda iyo mooshinkii keenay inuu xilka banneeyo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawari) ayaa ku gacan seyrtay inay taageerto musharaxa xukuumadda ee xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Khadiija Diiriye ayaa lasoo shir tagtay musharax ay wadato oo lagu magacaabo C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyadoo u ololeyneysa musharaxan inuu qabto xilka guddonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo aysan la gaban ee ay si joogto ah baraha bulshada ku baahiso.
Musharaxa xukuumadda iyo Madaxtooyada wataan oo ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh ayay ka hor timid, iyadoo diiday inay wax taageero ah siido musahraxa, kana leexatay inta badan wasiirada xukuumadda ee xildhibaannada ah.
Waxaa jira wasiiro kale oo xildhibaanno ah oo ka hor yimid musharaxa ay wadatao xukuumadda iyagoo dhinacooda ka wata musharixiin kale oo ay ood-wadaag yihiin.