Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Caawa Magaalada ku geeriyooday Siciid Xaashi Tooxow oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga maamulka Hirshabeelle.
Geerida wasiirka ayaa timid kadib markii uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaaada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekedaha Hirshabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare.
Wasiir ku xigeenkan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in aas loogu sameeyo magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda Hirshabeelle ay tacsi u direen ehelkii uu ka geeriyooday.