Cabdi Ibraahin Warsame Qowdhan oo ahaa wasiir ku xigeenkii Maaliyadda maamulka Puntland ayaa kusoo baxay kursiga HOP196 oo maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Garowe .
Kursigan oo tartan aanu ka dhicin, waxaa la tartamay wasiir ku xigeenka musharax la sheegay inuu isagu keensaday oo lagu magacaabo Abshir Cabdi Xuseen, waxayna natiijadii noqotay inuu Cabdi Ibraahim Qowdhan helo 90 cod. Abshir Cabdi ayaa isna hellay 6 Cod.
Wasiirka ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Golaha Shacabka oo kusoo baxa doorashada Golaha shacabka ee Puntland.
