Iyadoo saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada lagu faafiyey warar been ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus ayey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inuusan dalka oolin qalab lagu ogaan karo cudurka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Siciid C/llaahi ayaa sheegay inay been abuur yihiin wararka ku saabsan in qof Soomaali ah oo ku sugan Muqdisho laga helay cudurka Covid-19, taasoo aan suuragal ahayn mar haddii aanay isbitaallada heysan qalabkii ay ku ogaan lahaayeen.
Wasiirka ayaa intaas ku datay inuusan dalka oolin qalabka lagu ogaan karo cudurka iyo dadka qaba, qofkii ay dowladda shaacisay inuu qabo cudurkaasina muunado laga qaaday loo diray dibadda oo lagu soo baaray, sidaasina lagu ogaaday inay qabaan cudurka Coronavirus.
Wararka la isla dhex marayo iyo kuwo been ah ayaa hareeyay baraha bulshada iyadoo saaka la faafiyey in qof qaba cudurka ama looga shajkiyey lagu arkay isbitaalka Digfeer iridkiisa, wuxuuna wasiir ku xigeenka dadka uga digay faafinta wararka beenta ah.
Dad badan ayaa ku doodaya inay isaga shakiyeen cudurka iyagoo aan si fiican ula socon calaamadihiisa, waxaana dadka lagula taliyey inay si iskood ah isu karaantiilaan.