Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowladda Federaalka Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa ku guuleystay in dib loogu doorto kursigii aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.
Kursiga oo ka mid ahaa kuraasta Beesha Ujeejeen waxaa ku tartamay:
- Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
- Maryan Axmed Cabdulle
- iyo Caasho Cumar Axmed
Wareegii koowaad ayaa lagu kala baxay, waxaana natiijadii ay noqotay in Cismaan Daallo uu helay 47 cod, halka Caasha Cumar Axmed ay heshay Hal Cod iyo Maryan oo aan waxba helin waxaana xumaaday 2 cod.
Wasiirku xigeenka dib u hantay kursigan oo uu ku fadhiyo ilaa sanadkii 2009 iyadoo uu ka mid ahaa musharixiinta taageerada badan ka heystay beeshooda.
SAWIRRO