Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Jubbaland ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ka joojiyay inuu u tartamo kursiga ka mida Aqalka hoose.
Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tartamayay Kursiga Beesha Gaaljecel ee yaalla magaalada Kismaayo ayaa go’aankan ku dhacay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay shuruucdii iyo habraacii u degsanaa hanaanka doorashooyinka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay wasiirku.

Wasiir Maxamed Mukhtaar ayaa lagu soo eedeeyay inuu isku dayay laaluush uu siiyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo inuu xalay ergadii codka lahayd Hotel ku soo xirtay, kana urursaday Telefoonoodi gacanta.
QORAALKA GUDDIGA HOOS KA AKHRISO