Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay sida uu u arko booqasho uu Madaxweyne Farmaajo ku tago magaalada Hargeysa.
“Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli maayo..” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo dhaliilay qaabka siyaasada gooni isu taagga Somaliland iyo sida lagu wado.
“Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ka socda Geesak Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hartaan mar danbe la qabsan kartaan..” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Wuxuu is weydiiyay waxa ay Somaliland ku diideyso inay soo dhoweeyaan Madaxweyne Farmaajo xitaa haddii ay u aqoonsan yihiin madaxweyne dal jaar sida Abiy Ahmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle, mar walibana ay soo dhoweynta tahay muhiim, iyadoo wax badan oo dano ah isaga xiran yihiin.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay qofkii madax ah kii ugu muhiimsanaa ee Hargeysa lagu soo dhoweyn lahaa, wuxuuna weerarray qaabka lagu wado siyaasadda Somaliland, isagoo yiri: “28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin..”.